Baadiye: HARGEYSA
Kulanka xogwaranka musharaxa Madaxweynaha xisbiga kulmiye ee socdaalkiisii maraykanka
Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka mayalka adage ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] ayaa maannta khud-bad dheer u jeediyey boqolaal ka tirsan dadweynaha reer Hargeysa oo u badan taageerayaasha Xisbiga uu gudoomiyaha ka yahay isla markaana uu u taaganyahay tartanka jagada qodaxaha badani kaso keeyaan[madaxweyne nimada].
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne fara badan oo isugu jira salaadiin, aqoonyahanno iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye waxaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa..
Waxaa kaloo kulankan joogay madaxda xisbiga kulmiye Md. Axmed maxamed maxamuud Siilaanye iyo gudoomiye ku xigeenkiisa Md. C.raxmaan Zaylaci.Kuigeenka gudoomiyaha Mujaahid Muuse Biixi Cabdi,Eng.Maxamed Xaashi Cilmi iyo saraakiil kale oo katirsan madaxda xisbigaasi.
Waxaa kaloo ka soo qayb galay abwaanada Xasan Xaasji Cabdilaahi [Xasan ganey,dacar iyo walibana basbaas.
Waxaa ugu horeyn halkaasi looga yeedhay sheekh Najax aadan cabdi oo halkaasi ka akhriyay aayadaha quraanka kariimka.Ka aayadahaasi diiniga ah maanay jirin wax hadal ah oo goobtaasi laga sheegay oo aanka ahayn in durbadiiba codbaahiyaha lagusoo dhaweeyey gudoomiye Axmed Siilaanyo si uu uga warbixiyo waxyaabihii kala duwanaa ee uu kalsoo kulmay wadamadii kala duwanaa ee uu cagta soo mariyey mudadii uu booqashadiisa ku gudajiray intii maramay wadadaasi aan kor kusoo sheegnay
Waxaa barnaamika daadihinayay xoghayaha guud ee xibiga md. KayseXasan Cige waxaanu ugu horen halkaa salaan iyo hambalyaba ugu gudbiyey salaadiinta waxgaradka aqoonyahanka, safaaradda dalka itoobiya ee Somaliland guud ahaan dadkii faraha badnaa ee kasoo qaybgalay munaasibadda xafladda uu gudoomiyuhu kawa warbixinayey safadadiisii uu dhwaan ksoo kala bixiyey wadadmada Maraykanka,Uk iyo kuwo kale oo reer yuruba.
Gudoomiye siilaanyo waxa uu halkaasi ka jeediyey khudbaddii ugu qimaha badnayd ee uu jeediyo intii uu ahaa gduoomiyaha xisbiga Kulmiye.waxaana looaanayn karaa safarka oo kaga soo laabtay wadamada ay Somaliland aadka ugu baahantahay inay iska dhaadhiciso ee maraykanka iyo reer galbeedka.
Marka 2aad-na waxay khudbadani uga qiimo badatay kuwii ka horeeyey waxaajiray dareen siyaasadeed oo ka dhashay kadib markii ay dhawaan soo baxeen weedho aanay jeclaysan taageera yaasha xisbigaasi oo odhanayey "siilanayo kamasoo dagikaro garoonka diyaaradaha ee Hargeysa"
taasina waxay aad uga cadhaysiisay taageerayaasha Xisbigaasi gaar ahaan kuwa cal-la ,aanta ah ku mirqaama goobaha fadhi ku diriyada ah sida makhaayadaha iyo wmi.
hadaba inkastoo aanay shabakadda baadiye helin xaqiiqada wararkaasi iyo meeshay salka ku hayeen toona,wararkaasi waxay ahaayeen kuwo aad loohadal hayay maalmihii inasoo dhaafay.
si kastaba ha ahaatee cobaahiyaha waxaa lagu soo dhaweeyay gudoomiye siilaanyo waxaana khudbadiisu uu ku bilaabay:
salaam qiima badan oo uu u diray dhamaan shacabka Somaliland gaar ahaan kuwa ka soo qayb galay axfladda waxaana uu uga mahadceliayay sida ay uga sooqaybgalaeeen waxaana uuku soo dhaweeyay kulanka."Fursadda ugu horeysa waxaan jeclahay inana mahadnaaq aad u balaadhan u soo jeediyo umada Somaliland sidii qiimaha lahayd ee ay iigu soo dhaweeeyeen halkan markan imid"
Waxaan jeclahay inaan halkan ka iraahdo waa malain qiima weyn waa maalintii la aasaasay ciidanka somlailand waxaanjeclahay inana hamablayo aad u balaadhan aan u so jeediyo ciidnakka qaranka.Waxay ciidanka u taagan yihiin nabad a iyo amaanka iyo difaaca ciidanka waxaana aad uga xuamahay ilaa waqtigan la jooga inaan wali la siinin darajooynkii la baahanaa aan la siinnin waxaan balan qaadaynaa inaan ciulayska ugu wayn saarno sidi iloo siin laha waxay ciidanka wadanka ka mudanyihiin.
Hadaan ka warbixiyo safarkii aan dalka maraykanka ku tagnay waxaa si weyn oo lixaad leh naloogu so dhaweeyay wadamadii aanu tagnay,waayo waxaa aad looxiisaynayay dalka warkiisa in la dhagaysto dadkauna waxay noo muujiyeen qiimaha ay dadku ka aaminsan yihiin wadaniyadda waxaana ka dareenay inay u muujinayeen sida ay u jecelyihiin.
Anagu safarkayagu ujedadiisu waxay ahayd kuna gulaysanay.
Inaan maraykanka ka helnay dad na dhagaysta waana dal weyn oo ay tahay inaya dhagaystaaan qaddiyadayada ay si balaadhana loo gaarsiiyo waxaaana ka helnay dad dhagaha u taagayay sidii arinkaasi looga haldi lahaaa.
waxaanay qireen y Somaliland inay tahay qaran madax banaaan o Somalia ka madax banaan waana arinka ugu balaadhan ee aan gaadhsiinay waxaana aaanu ka dhaadhicinay in mucaawinooyinka Somalia la siinayo ay ka duwanaadaan kuwa la siinayo Somaliland waxaanan ka codsanay in loo arko inaanu nahay dad ku haboon in wax lagala wabto waxyaabaha aanu uga baahanahay arrimaha dimiquraadiyadana waanu ka dhaadhicinay.
In Somaliland loo furo hay’adaha dunida UN- ka wadamada caalimiga ahi uga qaybgalaanshirarka qaramada midoobay sida falastiin loogu ogalaaday si aan qadiyadeena uga dhaadhicino .
Waxaa kaloon ku dhaadhicinay dimuqaraadiyada ka aana qaaday Somalland oo u bahaan taageero iyo kubcin waana waxa asaasiga u aha xasilloonida dalka waxaa saldhig u ah in la ilaaliyo sidii loo sii wadi lahaana laga shaqeey.
Waxaanka wada hadalnay nabad gelyada mandhiqada aanu ku noolnahay waanay nasaameyyaan waxa xamar iyo puntland ka dhacayaa waanan ognahay intajeer ee ay waxyaabaha meeshaa ka dhacayaa..
Waxyaabhaa nalga balan qaaday waxaa ka mid ahaa in taageero nalaga siiyo xaga hurmarinta Somaliland sida inay nagacaawiyaan doorashooyinka,acliintana iyo deeqaha waxbarashada waana la inoo balan qaaday in gacan waynnalaga siiyo.
Waxaa kalo dadkii aan la kulnay kala hadalay in qadiyadda doorkooda ay ka ciyaaraan sidii loo horumarin lahaa sida celasha biyaha, ganacsiga wadooyinka, macaahidda iyo jaamacadaha howshaasi, waxaanu aad ugala hadalnay kor u qaadida sumcada iyo macagaca Somaliland arimhaa ayaana ugu badnaa waxyaabihii aanu sooqabanay.
Dadkii aan la kulanay waxay ahaayeen dad waxqabankara oo meelaha ay matalayaan ay wax ka qaban kara oo ilamarkana waxbadan ka badali kara sidii qadiyadda somalilan looga hirgalinlahaa wadaamda caalamka kale ee ay wax nagala dhexeeyaan.
mahadnaq balaadhan uga soo jeedinayaa dadkii howsha inala waday oo dalka marayka jooga waxaanan jeclahay inaanan si guud u salaamo maadaama aanu carabkagu wada gaadhi karayn hadda inaanhalkan ka wadasheego magacyadooda. balse hadiiaan mid io laba kasheego dadkaasi waxaa ka midah.
Dr Maxamed cabdillaahi [xoghayaha arrimaha dibadda ee Xisbiga Kulmiye iyo Xuseen ducaale oo ah wakiilka Xisbiga ee waqooyiga ameeriga.
Waxaan aad u aaminsanahay inaanu meel fiican gadhsiinay magaca Somaliland oo aanu maanta u samaynay saaxiibo waaweyn oo aanu u baahnayn inaau gadhsiinay qadiyaddeena sidoo kale waxaanu kulamo kala duwan lasoo yeelanay dadkayagii aanu halkaa kulasoo kulnay oo aanu niyadooda kor usooqaadnay.
Waxayna aad noo weydiinayeen xiliga ay doorshadu dhacayso.
Waxaanan ka sahqaynaynaa inaan dooroshooyinka u diyaargarowno anaga nabadda wadanka ilaalinayna.
waxaanu hadalkiisa kasuu afmeeray "Maamulku waa maamul tabcaan ah oo umadda Somaliland iyo dunidaba maanta way u muuqataa daalaa dhacooda iyana way ogyihiin inaanu wakhti u hadhin waxbana kusii taagsan mayo"
khudbaddasi dheer ee uu maanta halkaasi kasoo jeediyey gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaaahid Siilanao Kadib waxa hadal kooban oo mahad naqa halkaa dadweynihii faraha badnaa uga jeediyey Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Kayse Xasan Cige.waxaana dadka loo sheegay inay khud-baddii warbixinta ahayd ee Gudoomiyuhu dhamaanta sidaa daraadeed ay dadku safaxsan yihiin saacadda wixika dambeeya.
"walaalayaal aad baad u mahasan tihiine way inoo dhamaatay warbixintii qiimaha lahayd ee gudoomiyuhu ee si wanaagsan oo sharfleh aan u bax waanad mahsansan tihiin"sidaa waxaa yidhi Xoghayaha Xisbige balse dadku markii ay dhagaha intaa ku riteen ee laga dhworayey inay dibada u baxaan waxay kusoo jeesteen goobtii uu fadhiyey guoomiye Siilaanyo.
waxaanay kayuu hdeer u galeen salaanta iyo[mucaanqada] marxabaysan oo aan loo kalahadhin waxaana suurogal ah inajiraan dad wax ku noqday xidhiidhigii iyo u kala dheeraynta salaanta gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo taassoo isoo xasuusisay dadkii reer miyiga ahaa ee ka barakaysanjiray qubuuraha ay ku aasan yihiin culimada waaweyn ee caanka ah ee kuaasan meelo kamida dalka.