Baadiye: BURCO
Roobab mahigaanah oo lagu diirsaday ayaa soo gaadhay deegaanada ku dheeraran magaalada Burco iyo nawaaxigeeda sida uu kusoo waramayaan Wariyayaasha shabakadda baadiye ugasoo waramay gobalkaasi waxaanay halkaasi nooga soo direen warbixintan soo socota waxaanay iyada oo dhamystiranu dginayd sidan.
Iyadoo Beryihii u danbeeyay Kulayl iyo abaaro aad u Ba'an laga dareemayay Guud Ahaanba Deegaanada ku xeeran Gobolka Togdheer ,ayay Roobab lagu diirsaday ka curteen Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka togdheer, gaar ahaanna Deegaanada dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.
Iyadoo sidoo kale Hogol lagu diirsaday heshay gudaha magaalada Burco,ayay Dadka ku Dhaqan magaalada Burco ay aad ugu Diirsadeen.
Waxaana Habeenimadii xalay laga dereemayay Magaalada Burco jawi Roobaad,iyadoo ay Dhex marayeen magaalada Biyaha Roobku dhigay,oo ay Dadka indhahooda ugu Danbaysay Xili laga joogo Sannado.
Roobabkan oo ah kuwii Gu'ga ayaa ah Qaar ka curtay Deeganada buuralayda ee Somaliland Sida Gubanka fog ee togdheer,dhulalka ku teedsan xeebaha ,iyo waliba Gobolada Saaxil,Maroodi jeex,Gabiilay,Selel iyo Waliba G/Awdal,waa siday wararku nagu soo gaadhayaan e.
Dadka ku dhaqan deegaanada ay Abaartu sida baaxaddale u saamaysay ayaa ah iyagu Qaar si wayn u Rajaynayay xiligan Allena ka baryayay inuu siiyo madar Qar qaba...
Reported by:
dahir ismail Warsame{suldaan}
Burco somaliland
contact:suldaandaahir1991@hotmail.com