Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin oo lagu haysto booqashadiisii Somaliland
Posted: 3/1/2010 11:11:00 PM
Baadiye: BBC

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kenya Moses Wetangula ayaa sheegay in Safarkii Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ee Somaliland dib loo Eegi doono, Isaga oo sheegay in Sidoo kale la baari doono Sababaha u Faraax Macalin u booqday Magaalada La isku heysto ee Laascanood, Iyo weliba Hadalo u ka yiri Maxfalada Magaalada Hargeysa, Hadalkan ka soo baxay Dowlada Kenya Gaar ahan Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa ku soo beegmaya iyada oo Maamulka Puntland 29 Bishii December Ee Sanadkii hore Waraaq Dacwad ah u gudbiyey Dowlada Kenya taasi oo u kaga cawday Booqashada Faarax Macalin ee Magaalada Laascanood

Faarax Macalin ayaa gaaray Somaliland 22 Bishi December ee Sanadkii hore waxana u booqday degaano fara badan oo ka tirsan Dhulka Somaliland isagoona la kulamay Masuuliyiinta ugu sareysa Dowlada Somaliland Iyo weliba Asxaabta Mucaaradka, Waxana booqashadiisu u aheyd Xukuumadda Riyaale guul Siyaasadeed
 

Baaritaankaas, ayaa uu wasiirku sheegay in uu ku saabsan yahay hadallo la sheeghay in uu guddoomiye ku xigeenku ka jeediya mar uu sanadkii hore booqday Somaliland.

Hadaba, Yusuf Garaad oo telifoonka kula xiriiray Faarax Macallin ayaa weydiiyey waxa uu ka leeyahay baaritaanka uu wasiirka arrimaha dibedda, Moses Wetangula uu codsaday in isaga lagu sameeyo.

Wuxuu sheegay in uusan wasiirku sharci u lahayn tallaabo noocaas ah, balse uu isaga maadaama uu madax u yahay guddiyada kaladuwan ee Baarlamaanka Kenya uu ku furi karo dacwad wasiirka.

Wuxuu beeniyay in uu marnaba ku baaqay ama dhiirigaliyay aqoonsiga Somaliland intii uu booqanaya Somaliland, isagoo sheegay in uu ka shaqaynayay danaha Kenya iyo kuwa guud ee gobolka.

 


Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival