Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Maamulkii hore ee Jubooyinka oo la badalay iyo Maamul Cusub oo la magacaabay
Posted: 3/5/2010 4:49:00 AM
Baadiye: HIIRAAN ONLINE Kadib Kulan balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen masuuliyiinta ugu sareeysa ee Xarakada  Shabaabul Mujaahidiin ee gobollada Jubooyinka oo ka dhacay xarunta jaamacadda magaalada Kismaayo eek u taal nawaaxiga saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo ayaa waxa lagu magacaabay xubno cusub oo uu yeesho maamulka xarakada alshabaab ee gobollada Jubooyinka.
 
Xubnaha cusub ee maanta la magacaabay ayaa waxa ay kala ahaayeen:-
Waxaa Gudoomiyaha Gobollada Jubooyinka loo magacaabay Abuukar Cali Aadan
K/xigeenka Gudoomiyaha Gobollada Jubooyinka Sheekh Xuseen Cabdi Geedi oo isagu hore u hayn jiray  jagadaasi.

Xafiiska Garsoorka Gobollada Jubooyinka Sheekh C/raxmaan
Madaxa Dacwada iyo Tacliinta ee Gobollada Jubooyinka Sheekh Xasan Yacquub Cali
 
Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ayaa waxa loo magacaabay Max'ed Cumar C/dalla (Ugaas)
Madaxa Dacwada Degmada Kismaayo Sheekh C/raxiin Cali Muudeey
Madaxa Ciidamada Amaanka Degmada Kismaayo Sheek C/raxmaan Cali Axmed (Fiillow)
Madaxa Garsoorka Degmada Kismaayo C/fitaax Caydiid
 
Xubnahan cusub ee la magacaabay ayaa waxa ay isugu jiraan xubno hore uga tirsanaa maamulkii hore ee la badalay iyo kuwo cusub oo hada ku soo biiray maamulka cusub ee maanta lagu dhawaaqay, waxaana kamid ah xubnaha la magaacabay xubno katirsanaa maamulkii hore sida Afhayeenka Maamulkii hore Sheekh Xasan Yacquub Cali oo imika loo magacaabay Madaxa dacwada iyo Tacliinta ee Maamulka cusub, sidoo kale waxaa jagadiisii hore loo magacaabay K/xigeenka Maamulka gobollada jubooyinka ee xarakada alshabaab Sheekh Xuseen Cabdi Geedi.
 
Sidoo kale waxaa maanta aan gabi ahaanba la magacaabin Xubno ay kamid yihiin Xafiiska warfaafinta Maamulka, iyo weliba xubno kale kuwaa oo la filayo ay soo magacaabi doonaan Xubnaha maanta la magacaabay.

Daawo Sawirada

Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival