Baadiye: BURCO
Roobab laxaad leh ayaa ka da,a ya,
qaar ka mida Deegaanada somaliland,Gaar ahaan Gobolada Togdheer,saraar ,saaxil
,Gebily iyo Odweyne ,Roobabkan ayaa waxaa ay curteen wiigagii ugu danbeeyey ee
aynu soo dhaafnay, iyagoo roobabkani qaar ka mid ahi geystay khasaare aad u
badan oo Naf & Maalba leh.
Waxaa la gusoo waramayaa in Degmada
tog-wajaale oo ka mida Gobolka Gebiley kuna taalla xuduudka u dhexeeya Itoobiya
& somaliland, ay roobabkani gaadhsiiyeen khasaare laxaad leh oo Naf iyo
maalba leh,waxaana ka mida khasaarahaasi,in daadadkii ku soo rogrmaday
magaaladaa ay qaateen Saddex ruux,sidoo kalena ay dumiyeen qaar ka mida Guryihii
halkaasi ku yaalay.
Waxaa kale oo la sheegayaa in ay dad badani ka
barakaceen guryahoodii, iyagoo ka baqaya inay Daadadkaasi qaataan oo ay ku
daraan Dooxyada magaalada,iyadoo Waliba ay baabe,een Beero badan oo ka mida
beerihii halkaasi ku yiilay.
Ugu danbayntii
Magaalada Berbera ee Gobolka Saxil ayaa maalmihi u danbeeyey aya robabkani
iyadan aka da’een waxana ka socday hawlo biyaha dhulka lagaga saarayo, maadama
ay guryo badanna dumiyeen dhul lagu shaqaystona ay biyo badani
fadhiisteen.
Maxmed Cilmi Xasan(shiine)
Burco
Somaliland