Xafladan oo ahay mid si heer sare loo soo agaasimay oo ay
kasoo qaybgaleen masuuliyiin iyo
marti sharaf aad utiro badan ayna kamid ahaayeen
masuuliyiintaasi Abwaan Hurre.
Walanwal,Abokor
cumar aadan oo ah gudiga fu
linta kulmiye
,C/raxmaan cali Xaaji xasan oo kasocday Shirkada
dahabshiil,maxamed jaamac Adan oo katirsan Ciidanka
Qaranka jamuuriyada S/land iyo foosiya axmed
Maxamed Fosiya Hormud oo ah fanaanad iyo abwaanad, iyo weliba masuuliyiin
kale
Oo aad utiro
badan.
Waxaa
ugu horayntii xafladaasi kahadlay Abwaan hurre walan wal wuxuu ugu horayntii hanbalyo iyo bogaadin u
diray naadiga Akhristayaashaee halkaraan
waxanu dhalinyarada kula tali taliyey inay ku
daydaan abwaanada islamarkaasna Dhawraan oo
ilaaliyaan Hidaha iyo dhaqankooda .
Waxaa isna halkasi kahadlay C/raxman cali
xaaji Xasan oo kasocday shirkada Dahabshiil
waxaanu yidhi sidan :-
"Waxaan aad iyo aad ugu adkaynayaa
dhalin yarada inay badiyaan wax akhriska iyo wax
qorista waayo hadii aad akhrido 100 boqolbuug waxay
kadhigantahay adigoo 100 { boqol}maskaxood lagugu
shubay" ayu Yidhi C/raxman.
waxaanu u
mahadnaqay naadiga halkaraan , waxaanu sidoo kale
umahad naqay qoraaga buuga C/salan maxamed xirsi c/salan caaro dhuub}waxaanu
dhalinta kula t aliyey inay kafaa iidaystaan
Buugan.
Waxaa
iyana halkaa kahadashay foosiy axmed maxamed (Fosiya Hormud ) oo
iyana aad ugu mahad naqday qoraaga buuga waxaanay
tidhi
waa buug loo baahnaa inay ka faa
iidaystaan dhalinyarada iyo dhamaanba dadwaynaha kaleba ,
Abokor Cumar
aadan oo ah gudiga fulinta ee xisbiga kulmiye oo isna munaasibadda ka hadlay
ayaa aad ugu mahad celiyay qoraaga buuga cabdi
salaan caaradhuub Iyo Naadiga akhristayaasha
ee Halkaraan iyo dhamaan kasoo qaybgalayaasha.
Buugan lagu soo Bandhigaayay xafladda
caawa
oo magiciisa layidhaahdo Garta dhaqanka
iyo xeerka somalida ayaa aha Buugi kow iyo tobnaad ee naadigu soo bandhigo,
waxana madasha ku soo bandhigay isla qoraagii Buuga oo ah Abwaan C/salaan maxamed xirsi{C/salan caaro dhuub}
.
Xafladan
ooAysoo qaban qaabiyeen dhamaan xubnaha Naadiga
akhristayaasha Ee Halkaraan.
Gaba gabadii
xafladda ayaa waxaa lagudoon siiyay qoraaga buuga Shahaado sharaf uu ku helay sida hagar la aanta ah ee uu usoo bandhigay
buuga , waxaana gudoon siiyay xubin kamida naadiga akhristayasha ee Halkaraan Mr
maxamed maxamuud haybe{M.taajir}waxaa iyana hadyad gudoonsiisay siciido axmed
xasan oo kamida xubnaha naadiga halkaraan ,waxaa uu qoraaga buuguna gudoon
siiyay naadiga halkaraan qayb kamida buugii xaflada lagu soo bandhigayey ee uu
qoray abwaanku.
xafladaasi ayaa ku dhamaatay si aad ufarxad badan iyo madashii oo lagala
kacay aqoon badan oo ku saabsan dhaqanka.
Ifraax cawil siciid
{Bushaaro}
Baadiyenews
Burco S/land