Taliyihii Ciidanka raaskaambooni ee Ururka xisbul islaam Bare Cali bare ayaa dabley Hubaysani ku dishey suuqa weyn ee bakaaraha gaar ahaan wadada labaad ee suuqasi iyadoo aan la ogayan sababta dhabta ah ee ka dambaysa dilka sarkaalkan sare ee ka tirsanaa Ururka xisbul islaam iyo cida ka dambaysauba .
Dilka sarkaalkan oo la sheegay inay fuliyeen koox dabley ah oo aan haybtooda la garanayn islamrkaana ku hubaysnaa bastoolado iyadoo wax yar kadibna ay usoo gurmadeen qaar ka tirsan Ururka xisbul islaam oo uu ka tirsanaa islamarkaana la sheegay in meydkiisa loo qaaday Hoyga uu ka deganaa magaalada caasimada ah ee muqdisho
Sidoo kale sarkaalkan oo kamid ahaa saraakiisha Ugu saraysa ciidamada Raaskaambooniyiinta ee ka tirsan Ururka xisbul islaam ayaan la ogayan sababta dhabta ah ee ka damabaysa dilkiisa iyo weliba cida geystayba .
Ma jiraan masuuliyiin Ka tirsan Ururka xibul islaam oo ilaa iminka ka hadashay dilka sarkaalkan ka tirsanaa ururka xibul islaam .