Baadiye: AHRGEYSA
Gudida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday inay soo
dhameeyeen howlihii ay dhawaan ugu kalabaxeen gobalada dalka,waxaakael oo ay
sheegeen inay dhawaanbilaabayaan howsha daabacaadda kaadhadhka cusub ee lagu
badalidoono kuwii hore ee buqa badan dhaliyey.
Gudida doorashooyinku sidaa waxay
ku sheegeen shiraa’id oo uu maanta qabtay afhayeenka gudidaasi Maxamed Axmed
XirsiGeelle “waxaa iskugu keendambaysay bishii horaanu malaynayaa waxaana noo
caada ah markaanu in muddo ah joognaba dadweynaha uga warano halkay wax noo
marayaan” ayuu yidhi Geelle.
afhayeenka gudidaasi Md Geelle
waxa uu sheegay inaanay ajadnaha maanta ugujirininay ka jawaabaan su’aasha
intabadan ay dadku goconayaan oo ah goorta ay ka sugayaan gudida doorashooyinku
inay ku dhawaaqaan xiliga kama dambeysta ah ee
ay qabanayaan doorashada aadka loogu hanqal taagayo.
“waxaan u malaynayaa maanta
inaanaan halkan [shirka jaraa’id] idiinku yeedhin inanay ka hadalo arrimaha
intabadan ay dadku is waydiinayaan oo ah goormaa la qabanayaa doorashada balse
su’aasha aan maanta ka jawaabayaa waxa weeye halkeebay wax inoomarayaan” ayuu
yidhi Md Geelle.
afhayeenka gudida doorashooyinka
qaranka Somaliland Md Geelle waxa uu sheegay inay usoo dhamaadeen howlihii ay
dhawaanugu kalabaxeen gobalada dalka ee
la xidhiidhay dhismah wakiilada ay ku yeelanayaan gobalada iyo degmooyinka “dee
horta waanu soo dhamaynay howlihii aanu dhawaan ugu kalabaxnay gobalada ee aanu
kusoo dhisaynay gudiyadii gobalada iyo degmooyinka” ayuu intaa sii raaciyey.
afhayeenka gudidaasi Maxamed
Axmed Geelle waxa uu sheegay inay howshaasi si fiican ugu soo dhamaatay isla
markaana ay iyaga iyo xisbiyaduba isku waafaqeen sidii ay wax usoo nidaamiyeen
“sifiican bay noogu soo dhamaatay howshaasi oo aany isku waafaqsanahay inaga
iyo xisbiyaduba” ayuu yidhi.
“cabashooyin way iska soo
baxayaan oo dee markii howllagalo qaladaad way dhacayaan laakiin waxay u
muuqataa inuu dhacay khalad khafiifa oo laliqikaro oo aanu anaga iyo
xisbiyaduba isku rtaacsanahay oo aanay 4 taa bilood jirin wax khilaafa oo kasoo
dhexbaxay” ayuu intaa sii raaciyey.
Afhayeenku waxa uu sheegay inay
dhabtahay dhawaan hadalada soo baxayey ee sheegayey inay gudida doorashooyinku
markale dib usoo daabacayaan kaadhadhkii diiwaangelinta ee ay dadku kalhore
farahagaliyeen. Isaga ooarimahaa ka waramayanaya waxa uu yidhi “howsha ugu
muhiimsan ee aan maanta isugu kiinyeedhnay waxaad maqasheen in waaydamba dadku
hadal hayeen kaadhadh cusubaa lasamaynayaa waa dhab arintaasi waanay jirtaa”
afhayeenku waxa uu sheegay
inaanay arintaa horey uga hadal ka komishan ahaan balse ay hadda go’aansadeen
inay ku dhawaaqaan badalaadiisa maadaama uu xeerku siinayo cidda badalaysa
kaadhadhka codayntu inay iyagatahay iyaga oo kala tashanaya wasaaradda arimaga
gudaha iyo xisbiyada qaranka Somaliland.waxa uu intaa kudaray inay sugayeen
kharashaadkii lagusoo daabacayey kaadhadhkaasi balse ay heleen dhaqaalihii lagu
maamulilahaa arimahaasi.
Dhanka kala waxa uu sheegay inay
shaandhayn ku shamayn doonaan dadkii qaatay kaadhadhka khal-khalku kujiro isla
markaana ay aakhirka soosaari doonaan
inta nadiifta ah ee aan iyagy ku cel-celin kaadhadhkaasi lana siin doono
kaadhadh cusub oo ka madax banaan wixii hore ee lagu cel-celiyey.
hadabawaxaa is waydiin leh hadii
uu qofku iska waayo kaadhakaasi cusub ee ay dhawaan soodaabici doonaan sidee loo
maaraynayaa arinkaasi maxaase la gudboon muwaadinkaasi inuu ku dhaqaaqo “qofkii
iska waayaa kaadhadh kaasi cusub iyo waxa lagayeelaba waxaanu qaadidoonaa
dhawaan ol-ole balaadhan oo lagu wacyi-gelindoono ddku inay arimahaa lasocdaan”
ayuu yidhi Geelle.
Waxa uu afhayeenka gudida
doorashooyinku Saxaaafadda usoo bandhigay sawirada dakii kucel-celiyey
diiwaan-gelintii dhawaan sanadkii hore dalka laga qabtay taasoo muujinaysay
wajiyada dadka lagu qabtay arimahaasi oo qaarkood ay daddooda ku sheegeen ilaa
7 biil iyo laba sano iyo wax lamida.
Gaba-gabadii shirkaasi jaraa’id
waxay saxaafaddu waydiiyeen su;aalo kaladuwan oo kuwajahnaa barnaamijkaasi uu
afhayeenku ka waramay.waxaana kamid ahaa inuu sheego xiliga ay qaqanayaan
doorashada,waxaanu sheegay inaany hadda cadayn karayn xiliga ugu haboon ee ay
ku dhawaaqi karayaan.