Baadiye: HARGEYSA
Barta internet-ka ee aminarts.com waa mareeg farshaxan oo fan ah dadkuna aad u dheehdaan,. Waa bartii ugu horraysay taariikhda qoraalka soomaalida ee soo bandhigta mawduuca sawir gacmeedka ee muujiya hadba wadciga iyo waayaha markaasi taagan, isaga oo sawirkaasi xambaarsan xikmad iyo sarbeeb uu qof kastaa la bixi karo dulucdiisa. Waa hab aan ugub ku ahayn caalamka qoraalka waana waxa loo yaqaano Cartoon-ka ama Care cater. In badan oo bulshada wax akhrida ahi waxa ay aad u xiiseeyaan mareegtan iyaga oo intii ay qoraal dheer ku mashquuli lahaayeen ka door bida in ay qadar kooban ku fahmaan sawir-gacmeedku xikmaddan uu bixinayo. Website-kan waxa maamula oo gacanta ku haya farshaxanka caanka ah ee Amin Camir Ismcaaciil.
Sawir gacmeedka Amiin Caamir waxa uu soo jiitay indhaha in badan oo Soomaali ah oo ku kala nool dunida dacaladeeda kuwaasi oo si joogto ah u booqda Webkan xiise badanna ku qaba marka laga hadlayo xogta iyo sarbeebta ku duugan ee muujinaya hadba waaqaca markaasi taagan, gaar ahaan xaaladaha dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho.
Tan iyo markii uu Webkani hana qaaday waxa horumarkiisa ku lammaanaa nusqaan ku jirta dhexdhexaadnimadiisa gaar ahaan dalka Jabuuti oo aanu muuqaal rasmi ah oo xaqiiqada ku dhisan ka sheegin. Farshaxan Amiin Arts waxa uu gar iyo gar darroba ku taageeraa madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Isaga oo ammaan badan iyo muqaalo malo awaal ah ku taageera madaxweynahaasi, isla markaana aan haba yaraatee waxa hogo tusaaleyn iyo dhaliil ah ku durin xukuumadiisa.
Kana hadal baahiyaha dhabta ah ee haysta bulshada reer Jabuuti. Qofka saxafiga ah waxa fiican in uu ka dheeraado wixii gabood fal ah ee dhexdhexaadnimadiisa wax u dhimaya. Hadii aynu eegno dhinaca wararka Soomalida, sawir qaade Amiin Arts waxa uu ku dadalaa in uu si wanaagsan uga qar naqo siyaasadaha iyo colaadaha ka taagan Soomaaliya. Waxaanay sawir gacmeedyadiisu ka turjumaan badiba waaqaca dhabta ah ee ka jira Soomaaliya gaar ahaan mashaakilka Muqdisho.
Halkase dhexdhexaadnimadii Amiin Arts ku banjartay waa Somaliland. Waxa uu muddooyinkii dambe oo dhan soo bandhigayay sawir gacmeed muujinaya cadaaladda, nabadda, maamul wanaaga Dahir Rayaale waxaanu dhibaatooyinka siyaasadeed ee wadanka ka jira dhamaantoodba u xambaariyay masuuliyiinta xisbiyada qaranka ee Ucid iyo Kulmiye. Ila eeg labadan sawir oo maankaaga la kaasho, ma yihiin sawiro ka turjumaya duruufaha dhabta ah ee wakhtigan ka taagan gayigeena.
Jawaabta adiga ayaan kuu daynayaa akhriste. Tani waxa ay u muuqataa sida ay dad badanina rumaysanyihiin in Amin Camir xagaa iyo madaxtooyada Somaliland wax dhex mareen. Guntii iyo gabagabadii sawir qaade Amin Camir waxaan u soo jeedin lahaa in uu ka waantoobo xaglinta iyo hadba in uu sida uu doono wax u baahiyo, ha lumin dhexdhexaadnimadii lagaaga bartay taas ayaad ku leedahay cisi iyo sharaf iyo karaamo badan. Dhexdhexaadnimadu waa furaha kalsoonida saxafiga.
Qalinkii
Sahra Kiin Abdirahman Ahmed
Sahra873@hotmail.com
Freelance journalist
Hargeisa Somaliland