Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
Diyaarad Ay Leedahay Itoobiya Oo Si Degdeg Ah U Degtay Kadib Markuu Duuliyihi Cilad Dareemay
Posted: 1/30/2010 6:11:00 PM
Baadiye: WABISHABEELE

Ndjamena, 30-Jan-2010 - Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ee dalka Itoobiya, oo nooceedu yahay Boeing 757-200, flight ET-908, kana soo duushay magaalada Bamako, dalka Mali, una socotay magaalada Addis Ababa, ayaa si degdeg ah ugu degtay magaalada Ndjamena ee dalka Chad, halkaas oo ay dulmareysay xiligi safarkeeda.

Diyaaraddan oo siday 150 qof ayuu duuliyihii waday wuxu dareemay cilad xaga dabka ah, taasoo keentay inuu radar-ka u shaqeyn waayo.

Bishan 25 ayey diyaarad aheyd nooca Boeing Co. 737-800, Flight ET409, oo ay laheyd shirkadda Ethiopian Airlines, waxey ku dhacday badda Mediterranean. Diyaaraddaas oo ay ku dhinteen 90 qof oo saarnaa, ayaa ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Rafikh Xariri International Airport ee magaalada Beirut, waxeyna ku socotay Addis Ababa.

Diyaaraddan sida degdega ah ku degtay ayaa marki farsamo-yaqaano ay eegeen kadib, ayey dadkii la socday ee 150 qof ahaa 120 kamid ah ay iska diideen inay fuulaan diyaaradda, iyagoo codsaday in diyaarad kale oo loo diro, halka 30 kaliya ay soo raacday. Shirkadda ayaa 120 qof ee diiday inay diyaaradda soo raacaan dajisay hotelo, waxaana la qorsheynayaa in diyaarad kale loo diro.

Mid kamid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Bamako, oo ay diyaaraddan markii hore kasoo duushay, ayaa sheegay inay diyaaraddan shidaalka daadineysay markeedii hore.

Itoobiya ayaa lagu amaanaa xagga diyaaradaha, waxaana shirkada Ethiopian Airlines lagu tiriyaa inay tahay midda ugu horeysa qaaradda Afrika, in kasta oo labadan shil ee isku xigaa ay magaceeda wax u dhimi doonto.

Wabishabeele



Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival