Guddoomiyaha garabka dhalinyaradda xisbiga kulmiye ee gobolka togdheer ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay xubno doora oo ka tirsan xukuumadda rayaale
Guddoomiyaha garabka dhalinyaradda xisbiga kulmiye oo ku hadlaaya magaca dhalinyaradda gobolka togdheer maxmed ibraahin muuse oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yidhi ( mujaahid axmed siilaanyo ma gayo in la dhaho wuxuu aaminsan yahay federaal ee waa hadal ay iskaga dhawaaqayaan dadka doonaya inay hadda siyaasadda kuso biiraan 0
Guddoomiyaha garabka dhalinyaradda xisbiga kulmiye ee gobolka togdheer oo hadalkiisii sii wada ayaa yidhi( qoladda weedhahaasi ka soo yeedhayaanna waxaan leeyahay qaabkaa siyaasadda laguma soo galo oo siyaasi laguma noqdo in mujaahid weyn oo mufaadil ah la aflagaadeeyo )
Sidoo kalenna guddoomiyaha garabka dhalinyaradda oo uu u jawaabayay wasiirku xigeenka arrimaha debedda mudane kayse ayaa wuxuu yidhi ( wasiirku xigeenka kaysenna waxaan odhan lahaa waxaa kuu fiicnayd inaad si kale warbaahinta isu barto )
Guddoomiye ku xigeenka garabka dhalinyaradda ee gobolka togdheer maxamed muuse ibraahin ayaa waxa uu sidaasi ku sheegay mar aanu kula kulanay xarunta dhexe ee xisbiga kulmiye ee magaaladda burco
Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga kulmiye axmed maxamed maxamuud siilaanyo ayaa la filayaa inuu maalinta barito ah diyaarad qaasi keento magaaladda hargaysa ee caasimada magaaladda hargaysa
saleban sahal jamac
salosahal@hotmail.com