Baadiye: A/NUGAAL
Ugaaska beesha sadde mareexaan islamarkaana ah afhayeenka beelaha daarood Ugaas maxamedweli sh,axmed Nuur ayaa shaaca ka qaaday in lala dagaalamo ciidamada AMISOM islamarkaana laga soo jeesto danaha gaarka ah ee hubka lawada qaato.
Ugaas maxamaed weli oo manta shir jaraa,id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa tibaaxay sida ay xaalada dalka soomaaliya marba marka kasii dambeeya uga sii darayso islamrkaana dhibaato xoogan loogu geysanayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan taasoo uu daboolka ka qaaday sida xasuuqa ba,an ay ugu hayaan ciidamada AMISOM oo ay hubka calculus ugu garacaan goobaha ay degan yihiin dadka shacabka ahi
Sidoo kale Ugaaska ayaa tilmaamay inay xiligan tahay Xiligii layska celin lahaa oo aan loo dul qaadan Karin waxa ay ku hayaan shacabka ciidamada cadowga ah ee Ugaandha iyo Burundi taasoo uga digay kuwa dowlada sheeganaya inaysan shacabku xasuuqan ku jiri doonin islamrkaana uu ku tilmaamay inay ku qanacsan yihiin madaafiicda lagu garaacayo shacabka kuwa daba dhilifka ah ee dowlada shariif.
Ugaaska ayaa sidoo kale ku baaqay in laga midoobo dagaalka ka dhanka ah ciidamada AMISOM ee dalka iyo Diinta kusoo duuley taasoo uu ugaasku carabka ku adkeeyey in mar qudha loo daato goobaha ay degan yihiin .
Dhinaca kale ugaas maxamed weli ayaa ugu baaqay dowlada jabuuti inaysan saf la noqon kuwa shacabka soomaaliyeed xasuuqaya islamrkaana ay ilaashato sharafteeda isagoo tilmaamay inay abaal weyn ku leeyihiin xoriyadii dalka jabuuti .
Ugaaska beesha sadde marexaan oo ay ka muuqato qiiro xoogan ayaa ku dhawaaqay ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR islamrkaana farta ku fiiqay kuwa kazoo horjeeda xoogaga dagaalamaya isagoo ugu baaqay inay hadii aysan taageerayn ay afkooda ka ceshadaan .
Ugaas maxaamed weli ayaa ugu dambayntii sheegay in kooxaha suufiyada ah ee sheegta magaca ehlu sunna waljameeca oo ku sheegay inay yihiin kuwa ay dabada ka riixayso cadowga Ethiopia ayuu ku tilmaamay inay wadaan xasuuq ka dhan ah dadka muslimka ah ee soomaaliyeed oo ay doonayaan inay u loogaan cadowga Ethiopia iyo yahuuda .
Hadalka ugaaska ayaa kusoo beegmaya xili Habenimadii xalay ay duqayn xoogan oo ay dad ku dhamaadeen ay gaysteen ciidamada AMISOM taasoo ay k garaacen deegaano ka fog fog goobaha ay degan yihiin sida deegaanka suuqa xoolaha ay dadka badankiisu u barakeceen