Warar dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay kuna salaysan xaqiiqda kala soco Shabakadda Wararka ee BaadiyeNews.com.
   Somali links
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
   Af-nugaal.com
   AfroDigg.com
   Batalale
reer Burco oo dhankooda si weyn uga qaybqaatay soo dhawaynta Gudooomiyaha Xisbiga Kulmiye
Posted: 2/1/2010 4:43:00 PM
Baadiye: BURCO  

 Iyadoo Maanta Shacabka Somaliland gaar ahaan Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ay si wayn u sugayeen soo dhawaynta Gudoomiyahooda Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

ayaa Maanta oo Axada ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Caalamiga Ah ee Cigaal international Air port ee Magaalada Hargaysa. ,

 waxa ka jiray illaa shalayba magaalada Diyaar garow ballaadhan oo loogu diyaargaroobayay soo dhoweynta Guddomiyaha, Hadaba waxa saaka dad aad u fara badani kaga hortageen Guddomiyaha garoonka uu ka soo degayay Si ay u soo dhaweeyaan ..

 hadaba Shacabka Reer Burco ayaa iyaguna saaka dhankooda ka qayb qaatay , taasi oo Saaka aroortii hore laga dareemayay guud ahaanba magaalada Dhaqdhaqaaqa badan iyadoo isusoo bax balaadhan oo lagu soo Dhawaynayay mud:siilaanyo oo gilgilay Qaybo ka tirsan xaafadaha Magaalada Burcona ay dhigeen shacabka reer burco gaar ahaan taageryaasha xisbigu,

 hadaba waxay dadku isugu yimaadeen kuna soo xoomeen xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Burco, Halkaasi oo ay dadka kula hadlayeen masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka Kulmiye Salaadiin wax garad iyo waliba Abwaano,

 Waxaana ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadlay ,

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxmed Kaahin Axmed oo ku dheeraaday khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu halkaa ka soo jeediyay,Waxana sidoo kale munaasibaddi soo dhoweynta ahayd ka hadlay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland oo lagu magacaabo.Axmed ducalale oo isna wax ka taabtay Sababaha ka hortaagan inay wax u qabtaan Shacabkii soo doortay.

 gudoomiyaha Awal bari c/laahi maxmed c/raxmaan, iyo xasan maxamuud alaale oo ku hadlayay magaca dhalinyarta reer togdheer iyo Qaarka mida garabka Haweenka ee Xisbiga kulmiye aya iyaguna khudbado kala duwan ka soo jediyey isu soo baxan.

 hooyo siraad ayaa iyana hakaa ka soo jeedisay tix buraan bura oo qiiro le halkaa ka akhriday kaasi oo ahaa dhiirgelin axsaabta iyo shacabka Somaliland gaar ahaan mujaahidiintii SNM.

 Guntii iyo Gabagabadii   Banaanbaxan ayaa ahaa miday shacabka reer burco ku muujinayeen taageerada ay la garab taaganyihiin  xisbiga mucaaradka Kulmiye  ee uu gudoomiye ka yahay :Mujaahid Axmed AXmed Maxmud  Siilaanyo iyo sida ay u sioo dhawaynayaan waxaanu ugu danbayn Ku dhamaaday si nabad gelyo ah iyadoo aanay jirin haba yaraatee wax rabshado ah oo dhacay intii uu Socday isu soo baxani...........

.FAADUMO SALEEBAAN JAAMAC(Happy)

FREELENCE REPORTER

BURCO S/LAND

faadumo_452@hotmail.com



Baadiye News
 
Maqaalo
SOMALIA: Broadcasters mock music ban with gunfire, frogs and cocks

Obama addresses deteriorating Somalia security

Xadiis saxiix ah oo nabiga Muhammad lagawariyay (SAW) ayaa wuxuu leeyahay sidan:

Quruxda Hargaysa iyo Qashinka dhex yaalla.By: weriye Hodo A/rahman

World report: increasing piracy off coast of Somalia; most-wanted Nazi war criminal stands trial

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali sea gangs lure investors at pirate lair

Somali training camps fuel threat of attacks on US

Dubai request for debt 'standstill' raises fear

Somali's in Khayelitsha and other informal settlements in South Africa are more worried about Survival